DF Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay weerarkii lagu qaaday SACUUDIGA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal deg deg ah kasoo saartay duqeymo ay Kooxda Xuutiyiinta ah la beegsadeyn Dalka Sacuudi Carabiya.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya aad u cambaareeneyso labo weerar oo argagixso ah oo ay Xuutiyiinta ku qaadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalka Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay in Dowladda Sacuudiga ay ku guuleystay Maalintii Khamiista aheyd oo taariikhda ku beegneyd 13 Jun inay hawada ku qabato Shan Gantaal oo lagu soo riday jihada Garoonka Diyaaradaha ee Abha iyo Xaafadda Khamis Mushait.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Gantaal kuso dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Abha gaar ahaan qeybta ay rakaabka kasoo dagaan ay keentay inay ku dhaawacmaan 26 qof oo kasoo kala jeeday wadamo kala duwan taasoo ay Soomaaliya ku sheegtay inay halis ku tahay Amniga Gobolka isla markaasna ay wiiqeyso dadaaladii Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in xal siyaasadeed loo helo dhibaatada ka taagan dalka Yeman.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeedka oo ku qornaa Afka Carabiga ku caddeysay inay garab taagan tahay Dowladda Sacuudiga oo ay sheegtay inay wajaheyso weeraro naxariis darro ah oo kaga imaanayo gacmo dambiilayaal ah oo doonayo inay sare u qaadaan falalka dambiilanimada ah ee kasoo horjeedo  Qiyamka, Caadooyinka, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Diinta Islaamka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Halkaan hoose ka akhriso war Saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com