DF Soomaaliya oo shaacisay in 96 QOF ay ku dhinteen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin cusub kasoo saartay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo maanta warbixin u gudbisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka.

SoDMA ayaa warbixinteeda ku sheegay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka haata  ka da’aya dalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin Soomaaliyeed ee gaaraya illaa 96 qof.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.