Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa ay si xoogan u maqleen dadka deegaanka ayaa waxaa lagu xiray Farmashiye ku yaal qaybo kamid ah degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in Farmashiyaha uu lahaa qof shacab ah, isla-markaana miino lagu burburiyay, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo uu gaystay qaraxaan, marka laga reebo burburka soo gaaray dhismaha Farmashiyaha iyo Daawooyinka lagu iibinayay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in sababta loo beegsaday goobta caafimaad ay tahay in lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi, bale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska oo baaritaano kooban ka sameeyay aagga ay wax ka dhaceen ee degmada Yaaqshiid.

Inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa beegsada xarumaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay isku qabtaan lacagaha baadda ah.

Weerarada noocaan oo kale ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhayay caasimada, waxaana horay sidaan oo kale loo beegsaday xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa hadda ka deggan sidii hore, waxaana dhinaca kale howlgallo amni xaqiijin ka wada ciidamada Booliska iyo kuwa Xasilinta Caasimada.