DF Soomaaliya oo sheegtay in lagu qasbay go’aanno caalami ah oo ay qaadatay

Djbouti (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb galaya Madasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka furan Jabuuti ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen go’aanada qaar ee ay qaateen.

Wasiir Jamaal oo madashaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed go’aano caalami ah oo siyaasadeed oo afartii sano ee uu xilka hayey ay qaadatay.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey khilaafka dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo kala dhaxeysa dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

“Arrinta la iga weydiiyey khilaafka Villa Somalia iyo Jabuuti, horta dad walaalo ah ayaan nahay, carab iyo ilkaa isugu dhaw, ayaguna waa is qaniinaan, waxaa jira nidaam diblomaasi ah oo loo maro wax kasta oo jira, Jabuuti waxaan nahay walaalo aan kala dhamaan, dowladnimada Soomaaliya ayaa halkaan lagu dhisay, maantana waan joognaa, xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya waa sii xoogeysan doonaa, Insha Allaah,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta XFS.

Waxa uu sheegay in go’aano adag oo ay qaadatay dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed, si buu yiri loo ‘badbaadiyo qaranimada Soomaaliya.’

“Mararka qaar waa inaad wax dhaqaajisaa si wadanku horay ugu dhaqaaqo, waa in mararka qaar aad gaarto go’aamo adag, adigoo wax badan xeerinaaya, laakiin hadii aad difaac isaga jirto wax kuu soo kor dhaya malaha, siyaasadu isxaan malaha waa inaad ku dhiirataa go’aamo adag, xataa hadii shacabku kaa soo hor jeedaan,” ayuu yiri Jamaal Maxamed Xasan.

Waxa uu sheegay in khilaafka wadamada Geeska uu u muuqdo mid sii jiri kara, balse loo baahan yahay in la adkeeyo nabad geliyada, “Waxaan oran lahaa aan sameysano nidaam ay dadku ku kala nabad galaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii