Daawo: Ehellada gabadhii u geeriyootay kufsi wadareedka oo shaaciyey go’aan culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta Sahro Cali Maxamuud oo u geeriyootay kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa wacad ku maray in meydka gabadhooda aysan aasi doonin ilaa inta ay cadaalad ka helayaan.

Rag lagu qiyaasay 10 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay todobaadkii hore Janaale ku kufsadeen gabashaas, waxayna ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Marka loo dhaawaceeda loola carar.

Aabe Cali Maxamuud Kulmiye oo dhalay gabadha u geeriyootay tacadigii loo geystay ayaa dowladda ka dalbaday inay u cadaalad fasho oo loo soo qabto raggii kufsaday gabadhiisa.

“Aabe Soomaaliyeed ayaan ahay, dowladda waxaan ka codsanayaa inay ii soo qabato dadkii ku tacadiyey gabadheyda, ragga isku aadinaya dambiilayaasha in la iga wareejiyo ayaan codsanayaan, waxaan doonayaa xaqeyga,” ayuu yiri Aabe Cali Maxamuud oo ilmeynaya.

Hooyada dhashay gabadha ayaa sheegtay inay jiraan rag loo soo qabtay kiiskaan, balse dib looga sheegay in lasii daayey, iyadoo wacad ku martay in aysan aasi doonin meydka gabdheeda oo aan cadaalad helin.

“Iyadoo aan sharciga islaamka la marsiin kuwii dilay duugi meyno meydka gabadheyda, hooyo dhiban ayaan ahay oo gabadheedii tacadi xun loo geystay, waxaan rabaa in shareecada islaamka lagu xaliyo kiiskaan, rag badan oo dowladda ka mid ah ayaa kufsaday gabadheyda,” ayey tiri Hooyada dhashay Marxuum Sahro Cali Maxamuud.

Hoos ka daawo reerka oo shir jaraa’id qabtay