Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo shaaciyey cidda maamusha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faallo aan qornay 1-dii December waxaan ku sheegnay in mustaqbalka iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ay ku xiran yihiin sida ay u maareeyaan kuraasta HOP67 iyo HOP103 oo muran uu hareeyey.

Guddiga ayaa war ay soo saareen shalay ku sheegay in baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigas HOP67 loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga lagu xanto inuu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hayso madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay in ergadii dooratay Yaasiin Farey ay aheyd tii saxda ee beesha Waceysle, halka Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, halka Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu guddiga ku sheegay in uu yahay caaqil ku-xigeenka Beesha Waceysle.

Hase yeeshee sheegashada guddiga ayaa aad uga fog xaqiiqda, marka aad eegto sida wax u dhaceen.

Ergada wax dooratay: Sheegashada guddiga ee ah in ergo sax ah ay dooratay Yaasiin Farey laguma taageerin wax caddeymo ah. Xagee lagu shaaciyey liiska ergada? Yey ahaayeen xubnihii ciidanka ee Muqdisho laga waday si ay uga codeeyaan Dhuusomareeb? Maxaa loo xanibay safarkii odayaasha qaar ee Muqdisho ka tagi lahaa ee lagu celiyey garoonka Aadan Cadde? Maxaa musharaxiintii kale ee miisaanka cuslaa looga diiday tartanka oo hal qof loogu xiray? 

Su’aalahaas oo idil wax jawaab ah kama bixin guddiga, hase yeeshee dhammaan inta la socota sida Qoor Qoor wax u maareynayo waa ay haystaan jawaabahooda.

Saxiixaha rasmiga ah: Guddiga ayaa sheegay in saxiixaha Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, balse Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu horey u caddeeyay in nabaddoon Cali Jeesto uu yahay saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP67.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Farey loo boobay ayaa kal hore shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in aaminada Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go’aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd.

Nabaddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshiisa ku metela baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale xiligaas sheegay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo uu iska xooray guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Sidaas darteed, go’aanka uu qaatay guddiga, oo halbeeg u ahaa kalsoonida iyo cadaalad-soorka guddiga, ayaa banaanka u soo saaray in guddiga xalinta uu si toos ah u hoostago Villa Somalia, oo ayadu kursigaas sida la fahamsan yahay u boobtay Yaasiin Farey.

Go’aanka guddiga wuxuu sidoo kale caddeyn u noqday inuusan jirin guddi xalin khilaafaad balse murashaxiinta xildhibaan iyo odayaasha beelaha ay la macaamilayaan guddi hoos taga Villa Somalia, mana dhici doonto in mar dambe cabasho loo gudbiyo.

Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka ayaa waxaa ragaadiyey mad-madow badan, waxaana hore u qaadacay Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in la hakiyo.

Rajadii yar ee la qabayna waxaa qeyb ka ahaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu noqdo mid ugu yaraan wax ka qaban karo cabashooyinka qaar, balse guddigaas shalay ayuu shaaciyey cidda maamusho inay tahay Villa Somalia, halkaas ayuuna ku dhintay Samir iyo iimaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii