Maxaa Rooble ka lumi doona haddii uu aqbalo go’aankii lagu fasaxay kursiga Yaasiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga khilaafaadka doorashooyinka ayaa shalay fasaxay Kursiga lagu muransan yahay ee HOPP#067. Kursigaan oo lasoo siiyey ku simaha taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Yaasiin Cabdullaahi Fareey ayaa waxaa buuq iyo diidmo kala hor yimid qabiilka iska leh kursiga oo sharaf dhac ku tilmaamay in masiirkooda ay cid kale go’aan ka gaarto.

Waxaa jira warar sheegaya in guddiga xallinta khilaafaadka ansixinta kursigaan u mareen hab musuq-maasuq ah, culeys amni iyo dano shakhsi ah.

Guddigaan waxay qoraalkoodii ku sheegeen in doorashada kursigaan loo maray habkii saxda ahaa taasoo lagu tilmaamay madadaallada todobaadkaan maadaama dadku si weyn ugu dharagsan yihiin hannaanka loo maray kursigaan.

Natiijadaan kadib waxaa bilaabatay dood ku saabsan Ra’isul Wasaaruhu ma aqbali doonaa go’aankaan?. Xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qeyb ka ah socdaalkiisa Jabuuti ayaa laga soo xigtay inuusan Rooble ku qanacsaneyn sida ay wax u dhaceyn.

Waxaa la sheegayaa inuu ka fakarayo inuu tallaabo qaado maadaama ay arrintaan sii xaqiijineyso eeddii hore midowga musharixiinta mucaaradka u jeediyeen oo aheyd in doorashada la boobayo Ra’iisul Wasaaruhuna rabo inuu iska daawado.

Rooble wuxuu awoodaa inuu guddigaan shaqada ka joojiyo ama kala diro. Laba Kursi oo guddigaan cabashadooda loo geeyey labadiiba dadkii loo boobay ayey u xukmiyeen. Mid waa Mahdi Khadar Guuleed midna waa Yaasiin Cabdullaahi Fareey

Labada jeerba waxaa la xaqiijiyey in guddigaan faragelin lagu sameeyey oo cadaadis la saaray. Rooble wuxuu rabaa inuu xaliyo cabashada ka taagan hab-raaca doorashada sida uu ka sheegay shir ka dhacay magaalada Jabuuti, laakiin haddi uu aqbalo natiijada kursigaan maxay tahay waxa uu rabo inuu xaliyo ama uu mucaaradka u sheego, ayey dadku badi is waydiinayaan.

Soo laabashadiisa kadib waxaa laga sugayaa laba arrimood. Mid waa shirka Golaha wada-tashiga Qaran midna waa sida uu u arko in guddiyadu iska fasaxaan kuraasta la isku heysto.

In Kursiga Yaasiin Farey lasoo fasaxo iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu rabo inuu la xaajoodo dhinacyada tabashada ka qabo doorashada ayaa laftirkeedu duulaan ku ah qorshaha uu wado Rooble.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxda Gobolada ku cadaadinayaan Rooble inuu faraha kala baxo kuraasta la isku heysto. Koonfur Galbeed ayaa diiday inay u jawaabto guddiga doorashada heer Federaal oo soo diiday Laba kamid ah kuraastii lagu soo doortay Magaalada Baydhabo.

Madaxda Gobolada waxay si weyn u diidan yihiin in guddiyada doorashada awood yeeshaan, waxay rabaan inay kuraas badan boobaan, qaarkood waxaa la sheegay inay guud ahaan doorashada joojin doonaan haddii kuraastaas la isku heysto lasoo celiyo oo natiijadooda la diido.

Rooble culeys badan ayey ku heysaa in doorashada la hakiyo iyo inay madaxda maamulada qaadacaan shirka uu rabo inuu qabto.

Si uu Ra’iisul Wasaaruhu dhinacyadaas u qanciyo waxaa jiro dad aaminsan inay macquul tahay inuu ka aamuso Kuraastaas la boobay ee muranku ka taagan yahay, balse waxaa is waydiin kale ah haddiiba la fasaxay oo sax lagu tilmaamay Kuraastii la isku heystay muxuu soo kordhinayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha iclaamiyey.

Rooble haddii uu aqbalo natiijada Kuraasta la boobay uma baahna inuu shir qabto oo waxay ka dhigan tahay inuu ku qanacsan yahay sida ay wax ku socdaan, ayey leeyihiin dadka isha ku haya muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxda maamul Goboleedyada waxay aamisan yihiin in haddii guddiyada awood u yeeshaan inay kuraas diidaan inay dhankooda ku adkaan doonto inay wax boobaan oo waxaa dhici karta in kuraas badan lagu soo celiyo, sidaas darteed waxay isku raacsan yihiin in guddiyada la wiiqo.

Aragtidaan waxaa la sheegay inay dhammaan ka siman yihiin madaxda gobollada, laakiin Ra’iisul Wasaaraha ayaa la eegayaa inuu cadaadiska maamulada aqbalo ama inuu caddaaladda iyo sharciga ku dhaqo muwaadiniinta u tartameysa Kuraasta Gobolada Shacabka.