Samiira Gayd: Waxaa suurta-gal ah in AL-SHABAAB ay hakiyaan doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys amni oo xoog leh saartay Galmudug, xalay waxay la wareegeen deegaan kala bara Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Ceel-dheere oo 30-kiilo mitir u jira xarunta Galmudug.

Sidoo kale Al-Shabaab Isniin waxay qabsadeen magaalada Matabaan, intii ay heysteen magaalooyinkaas waxay burburiyeen xarumihii danta guud ee hey’adaha dowladda ay ku shaqeynayeen.

Haddaba, waa maxay hadafka Al-Shabaab ka leedahay weerarradaan? Waxaa su’aashaas la weydiiyey Samiira Gayd oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Hiraal Institute oo u warantay Idaacadda VOA.

Samiira ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay daciifnimo ka dareemeen maamulka Galmudug oo aysan isku xireyn hey’adaha ammaanka ee ka howlgala deegaanada maamulkaas.

“Al-Shabaab waxay ka faa’iideysanayaan dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, dagaalkii Ahlu-Sunna, Galmudug iyo dowladda dhexe waxaad moodaa in saameyn weyn uu ku yeeshay xaaladda ammaan ee Galmudug,” ayey yiri Samiira.

Waxa ay sheegtay in xilligii ay Ahlu-Sunna heysatay deegaanka ay shacabka iyo hey’adaha ammaanku wada shaqeyn jireen, balse hadda wadashaqeyntaasi ay meesha ka baxday.

“Xilligaas deegaanada qaar fadhiyo ciidan kuma oolin, laakiin shacabka ayaa xogta ka caawi jiray hey’adaha ammaanka, waxay soo sheegi jireen inta aysan Shabaab soo dhawaan, balse hadda waxaan maqleynaa in ilaa todoba magaalo ay soo dul dageen Al-Shabaab, taasi waxay ku tusee in shacabka iyo hey’adaha ammaanka Galmudug ay kala fogaadeen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Samiira Gayd.

Samiira oo sii hadleysay waxa ay sheegtay in markii hore cabsi badan laga qabay in Al-Shabaab ay doorashada ku milmaan, balse hadda aysan muuqan taasi, laakiin ay macquul tahay in doorashada dhan ay hakad geliyaan, markii loo fiiyo culeysyada amni ee soo kordhay

“Hadii culeyskaan ay ku sii kordhiyaan Galmudug, waxaa shaki geli doonta in doorasho lagu qaban karo deegaanada maamulkaas,” ayey tiri Samiira Gayd oo ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Hiraal Institute.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii