‘’DF Soomaaliya wey kasii hanaqaaday halkii laga filaayay Federaaliisamka’’….

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna taqasusay dhanka Dowliga ayaa waxa uu ka hadlin Arrinta murunka badan dhalisay ee Federaalka siyaabaha kala duwan loo fasiray.

Dr Xusein waxa uu sheegay inay jiraan dhaliilo badan iyo Wanaag laga gaaray habka Federaalismka mudada Labada sano ee Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ay jirto.

‘’Federaalisamka waxaa lagu hagaa Bulsho dabcan dhaliili wey imaan karaan, laakin waxaa laga gaaray hormar muuqda labada Sanno ee uu xilka hayo Madaxweyne Xassan, waxaa la dhihi karaa wey ka hanaqaaday halkii laga filaayay’’

Sidoo kale, Dr Xasan Sheekh Cali waxa uu shaaca ka qaaday in waqtigaan hada la joogo la dareemayo hormar baaxad leh oo dhanka Federaaliska ah, loona baahan yahay in laga sii shaqeeyo sidii lagu sii hormarin lahaa.

Xasan Sheekh Cali, waxa uu aad u amaanay hanaanka ay DF ku shaqeyneyso, waxa uuna Tilmaamay in bilowga uu yahay mid wanaagsan lana sugaayo inay sii laba kacdo.

Dhanka kale, Xasan waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ku talaabsatay hormaro dhinacyada badan leh,isagoona dhanka kale tilmaamay inay jiraan dul duleelo yar yar oo u baahan in la buuxiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com