DFS iyo BF oo baaritaan loogu baaqay

Nairobi (Caasimada Online) – Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Wright Watch ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo golaha wasiiradda xukuumadda ugu baaqday in ay baaraan warbixinta ay soo saareen oo muujineysa ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidanka Uganda iyo kuwa Burundi in ay ku kufsadeen haween Soomaali ah oo dawo iyo biyo ka raadsaday.

Afhayeen u hadashay hey’adda HRW ayaa u sheegtay warbaahinta gudaha in loo baahan yahay baarlamaanka iyo golaha wasiiradda in ay la xisaabtamaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa lagu eedeeyay in ay tacadigaas kula kaceen hablo Soomaali ah oo gabdho ku jiraan.

Waxay sheegtay in warbixinta la soo saaray ay muujineyso sida ay u sii kordhayaan dhbaatada ciidamada AMISOM ay kula kacaan dumarka Soomaalida ee gargaarka u raadsada xarumaha ay joogaan.

AMISOM oo daweenaya dumar Soomali ah
AMISOM oo daweenaya dumar Soomali ah

Mar la weydiiyay in warbixinta ay soo saareen loo diray midowga Afrika ama dalalka ay u dhasheen ciidamada tacadiga u geestay hablaha Soomaaliyeed, waxay sheegtay in aaney loo gudbin warbixinta dhinacyadaas maadama iyaga lagu eedeeyay dhibaatada loona baahan yahay in la baaro sida ay tiri.

Waxay shegtay in dumarka la wareystay ay badi sheegeen in ay soo gaareen dhibaatooyin xooggan oo xagga galmada ah taasoo ay u geesteen ciidamada AMISOM.

Haweeneydan ayaa dhinaca kale xustay in sannadkii hore ay dhaceen kufsi aad u ballaaran oo ay geesteen ciidamada AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iyana in ay guddi u saartay arrintan fadeexada ah ee lagu eedeeyay ciidamada AMISOM si ay u baaraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com