Jawaari oo ku dhowaaqay shir degdeg

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maanta oo Khamiis ah shir jaraa’id ku qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalmahan halkaas booqanayay.

Jawaari oo la hadlaayay boqolaal qof oo shacab ah ayaa ku dhawaaqay in maalinta Axadda oo ah 14-ka bishan September magaalada Baydhabo uu ka furmi doono shir dib u heshiisiin oo loo qabanaayo dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo.

Wuxuu kaloo sheegay in kulamadaas ay ka qeybgali doonaan dhammaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo si shirkaas uu horseed ugu noqdo nabadeen iyo is cafis guud oo dhex marta dhinacyada isku haya Baydhabo.

Jawaari ayaa carabka ku adkeeyay in shirka ay ka qeybgali doonaan dhammaan dhinacyada isku haya Baydhabo ee kala aaminsan maamulada lixda iyo seddaxda gobal.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kale tilmaamay in shirka dib u heshiisiinta uu billow u yahay maamul loo dhan yahay oo loo dhiso gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo tilmaamay in daah furka shirka ay ka qeybgali doonaan wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno kuwaasoo goobjoog ka noqon doona shirka dib u heshiisiinta.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yimid kaddib markii ay u soo dhammaadeen kulamo uu la yeeshay dhinacyada isku haya Baydhabo iyo xildhibaanno kala taageersan labada maamul.

Ma cadda in shirkan uu soo afjaraayo khilaafka ka taagan Baydhabo iyo in kale balse waxaa sheegis mudan in labada dhinac ay weli ku adkeesanayaan mowqifkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com