DF yaysan isaga qaldamin labada mucaarad ee Digil iyo Mirifle ee ku dheggan?

Xubno ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku yeeshay shir ay ku dhalleeceeyeen falalka dowladda ka waddo mamaulkooda.

Xildhibaanada waxa ay soo saareen war-saxaafadeed qodobeysan oo ay uga hadleenn xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, farogalinta doorashada  Koonfur Galbeed iyo dhibta lagu hayo shucuubta maamulkaas.

Sawir noocee ah ayuu gudbiyey kulankaas?

Toddobaadkanba waxaa isa soo tarayey cabashada iyo baaqyada ka imaanayey bulshada reer Koonfur Galbeed oo aad uga gadooday dhacdooyinka Koonfur Galbeed ka soo cusboonaaday oo ay ugu weyn tahay xariggii lagula kacay Roobow.

Waxaa horey isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyenta Cabdifataax Geesey halka uu muddo go’doonsanaa Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Farriinta ama sawirka uu bixiyey kulankii xildhibaanada ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka waxa uu ahaa in mucaaradka ku kacsan dowladda laba weji yahay oo aysan isaga qaldamin.

Wajiga Kowaad: Mucaaradkii awalba ku kacsanaa ee isugu jiray haraadigii Daamjadiid iyo xubnaha Daljir oo ay kaabayaan Kudladda Horusocod.

WAJIGA LABAAD: Beesha Digil iyo Mirifle

Mucaaradda kale waxa ay dowladda ka wajaheysaa beesha Digil iyo Mirifle waana mid ka xoog badan tan hore maadama ay TABASHO qoys jirto.

Arrintan waxaa daliil u ah sida uu cirka isugu sharreeyey qalalaasaha Baydhabo kaddib markii ay dowladda soo xirtay tartankana ka reebtay Mukhtaar Roobow Cali.

Haddii mucaaradka hore ku saleysan yahay xifaaltan siyaasadeed kan dambe waa mid xasaasiyad leh maadama ay CUQDAD riixeyso iyo TABASHO.

Dowladda maxaa la gudboon?

Dowladda waxaa la gudboon in aysan isaga qaldamin xifaaltanka kala dhexeeya kooxaha mucaaradka awalba ahaa iyo Tabashada Digil iyo Mirifle oo ay la timaado waddo ay ku qanciso uguna muujiso in aysan iyaga si gooni ah baartilmaameed ugu ahayn.

Qolada kale, waxba kuma jabna haddii ay sida jiirkii iyo mukulaashii ilaa iyo dhammaadka is eryadan!

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid