Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo beri ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana banaanka loosoo saaray ciidamadii dhawaan  dowladda Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowladda Ethiopia iyo ciidamada maamulka ayaa sidoo kale qeyb ka ah xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo beri loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Maalintii shalay ayaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen ilaa shan musharax oo ka qeyb galaysa doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Markii ugu horeysay musharax buuxiyay sharuudihii la doonayay ayaa ka maqan doorashada ka dhacaysa magaalada Baydhabo waana musharax Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya ugu xiran magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com