24.7 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

DFS iyo Somaliland oo maanta uu shir uga furmi doono Istanbuul

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo talaado ah lagu wadaa in magaalada Istanbuul uu dib uga furmo wadahadaladii u dhexeeyey DFS iyo maamulka Somaliland.

Wada-hadalka furmaaya ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dhowr qodob oo ay kamid tahay midnimada Somalia.

Wada-hadalkaani ayaa daba socda wada-hadalo dhowr jeer oo sii horeysay magaalada Istanbuul ku dhexmaray DFS iyo maamulka Somaliland.

Wada-hadalka ayaa waxaa marti galisay Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladdaha taageera Somalia.

Dhanka kale, Shirka ayaa waxaa ka qebgali doona ergooyin kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland,waxaana sidoo kale wararku qaar sheegaya in ay goobta imaan doonaan dowlado ka socda dalalka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News