DF oo maanta la wareegi doonta maamulka hawada iyo ajaaniib ka shaqeyn doonta 

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta ay DFS si rasmi ah ula wareegto maamulka hawada dalka oo sanadihii ugu danbeeyay laga maamulaayay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Dowlada Federaalka oo asbuucyadan ku howlaneed isku xirka qalabka ayaa waxaa iminka u suuragashay inay kasoo jeesato maadaama la dhameystiray qalabkii lagula socon lahaa dhaq-dhaqaaqa hawada.

Qalabkaan oo ah mid casri ayaa lagu rakibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana hadda ka howlgeli doono shaqaale ajaaniib iyo Soomaali isugu jira.

Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ah Wasiirka Duulista iyo Hawada Somalia, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradaha ay dhib badan ku qabeen qalabka lagu maamulo hawada ee yaallay Nairobi maadaama uu ahaa mid duug ah.

Sidoo kale, waxa uu dhankiisa ka qiray in manta la qaban doono munaasabada lagu daahfuraayo Xarunta iyo qalabka, waxa uuna sheegay in DFS ay dhaqaale badan ka abuuri doonto Hawada.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa noqoneysa mid hirgashay 27 sano kadib oo magaalada Muqdisho laga xukumi doono hawada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com