DFS oo markii ugu horeysay cadeysay Mowqifkeeda ku aadan wadahadalka Ethiopia & ONLF

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalmahan magaalada Nairobi uga socda maamulka DDSI iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF.

Wadahadalka oo iminka maraaya heerkii ugu wanaagsanaa ayaa furmay 11-kii bishan February 2018, waxa ayna dowlada Somalia sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso wadahadalka socda.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo u waramaayay Idaacad VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in wadahadalka socda uu kusoo beegmay xili munaasib ah.

Waxa uu Wasiirka sheegay in wakhtigaan aanu jirin wax ka wanaagsan wadahadal iyo in xal laga gaaro wixii khilaaf ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cawad, waxa uu intaa ku daray in dowlada Somalia ay saadaalineyso in wadahadalka socda uu saldhig u noqon doono Nabad, Xasilooni iyo Wanaag, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dowlada Somalia ay taageereyso wadahadlka socda.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa “Dowlada Somalia waxay u aragtaa wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa wadahadalka maamulka DDSI iyo ONLF uga socda Kenya.”

Sidoo kale, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay Juhdi badan galin doonto isku soo dhawaan shiyaha maamulka DDSI iyo ONLF, waxa uuna ku baaqay in loo degdego dhanka Nabadda iyo Xasiloonida.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dadaal waliba oo lagu xalinaayo xiisad ka dhacdaa Gobolka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com