Tarsan oo weerar ku qaaday Madaxda xilalka ka haya dowlada Federaalka ah ee …

Muqdisho (Caasimada Online)- La-taliyaha dhanka Siyaasadda Madaxweynaha Somalia, Maxamuud Axmed Nuur ‘’Tarsan’’, ayaa si kulul uga hadlay waddooyinka sida maalaayacniga ah uga xiran dadka shacabka ah.

Tarsan, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in shaqsi waliba uu dhagxaan dhigto wadada hormarta hooygiisa, waxa uuna taa ku tilmaamay mas’uuliyad daro cad oo ay muujinayaan shaqsiyaadka xilalka ka ahay dowlada.

Tarsan waxa uu si toosa ficilada ceynkaas ah ugu weeraray Wasiirada, Xildhibaanada, Taliyayaasha iyo Saraakiisha qaar oo uu sheegay in kala bar ay kala xirteen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Waxa uu Tarsan Su’aal ka keenay cida dusha saran doonta mas’uuliyada ciqaabta ku dhaceysa dadka shacabka ah ee laga xirtay waddooyinka muhiimka ah.

‘’Waa mas’uuliyad daro cad in shaqsi waliba oo xil ka haya dowlada uu jarto wadada hormarya hooygiisa, waxaan ku baaqeynaa in la garwaaqsado xaqiiqda oo dib loo furo waddooyinka la kala xirtay’’.

Waxa uu Mr Tarsan cadeeyay in waxa dhibka loo kordhinaayo ay yihiin keliya shacabka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in la furo waddooyinka xiran.

Wuxuu sheegay in uusan amni sugin Dhagax, balse keliya amniga lagu sugi karo Sharci, Aqoon iyo Ciidan, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah, oo lagu xakameynayo dhaq dhaqaaqooda.

Sidoo kale, Tarsan ayaa sheegay marka ay dalka ka dhoofayaan ama ay imaanayaan Madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha daqiiqahaas wadada la xirayo muhiim in ay tahay shacabka in lagu wargeliyo, si aysan ugu noqon arrin aysan filyen, oo culeys ay ku keento.

Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili kala bar waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo u xiran Madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com