Dhaawacyo culus oo ka dhashay dab ka kacay Kaalin Shidaal + SAWIRRO

Sool(Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka inka badan 35 ruux ayaa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Lama oga waxyabaha sababay in dabka uu ka kaco kaalinta shidaal ee ku taala Laascaanood, laakiin Dr Axmed Cadaani oo kamid ah dhaqaatiirta magaalada ayaa sheegay in seddex ruux ay aad u daran yihiin, kuwaasi oo kamid ah dadkii dabka waxyeelada kasoo gaartay.

Cabdi Cali Xersi, oo sheegay inuu la dhashay milkiilaha kaalinta shidaal ayaa saxaafada u sheegay in dabka loo maleynayo inuu ka dhashay fuusti shidaal uu ku jiray oo qaraxday.

Wararka aan ka helayno Laascaanood ayaa sheegaya in dabka uu sababay in goobo kale oo ganacsi goobta ku basbeelaan, iyadoo markii dambe dadka deegaanka ay sameyeen gurmad balaaran.

Hoos ka daawo sawirada.

1 2 3 4

Caasimada Online

Xafiiska Gobolka Sool

Caasimada@live.com