Muungaab oo u dhoofay Turkey-ga

Muqdisho(Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa markii ugu horeysay aaday safar dhanka dibada ah, waxii ka dambeeyay markii 27-kii Febraayo 2014 loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudoomiye Muungaab aya la sheegay in safarkiisa uu ku wajahan yahay magaalada Istanbul ee dalka Turiga, halkaasi oo la sheegay inuu u aaday horumarinta mashaariicda dowlada Turkiga ay ka wado magaalada Muqdisho.

Axmed Cismaan Showqi, afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in safarka gudoomiye Muungaab ay ku wehliyaan Ingineero Soomaaliya kuwaasi oo la doonayo inay wax badan kasoo faa’idaan safarka Dalka Turkiga.

Afhayeenka ayaa sheegay in gudoomiyaha uu dalkaasi kula soo kulmi doono masuuliyiin kala duwan oo dalkaasi ku sugan, iyadoo qorshaha ugu weyn ay tahay horumarinta magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Muungaab ayaa noqonaya markiisii ugu horeysay uu safar ku tago dalka Turkiga waxii ka dambeeyay markii xilkaan uu kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com