Dhabancad oo shaaciyey sababta uu u dhaariyey xildhibaanada Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu xalay u dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq, goobjoogna ay ahaayeen xubno ka socda guddiga heer federaal ee FEIT, waxaa barbar socday doorashada 16 kale oo kooxda Farmaajo ay ku soo dhistay Garbahaarey, kuwaas oo doonaya in lagu biiriyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Gudoomiye Dhabancad ayaa sheegay in sababta xildhibaanada Ceelwaaq uu u dhaariyey ay tahay inay siteen shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

“Xildhibaanada aan dhaariyey waxaan ku dhaariyey cadeymahooda oo waxay wataan shahaadadii saxda aheyd ee guddoomiyaha guddiga FEIT Muuse Geelle uu soo siiyey, waaxay lamid tahay shahaadadii aniga la i siiyey oo la igu dhaariyey, la iguna aqoonsaday,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkii shahaadadaas wata hadii uu u diido baarlamaanka aysan tiisu sax ahaa doonin, “Waxaan rumeystay inay wataan saxiixii Muuse Geelle Yuusuf, gudoomiyaha FEIT,” ayuu yiri.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaanada ay fasax u diideen iyadoo lagu jiro 10-ka dambe ee Ramadaan, si loo dedejiyo doorashadaan labada sano jiitameysay.

“Go’aankeenu wuxuu ahaa in 8-cisho aan doorashada ku soo koobno oo baarlamaanka ku wareejino guddoon rasmi ah, si xildhibaaanada dhiman aan u dhaaro waxaa nalo diiday meelo badan, waxaana noo diiday saraakiisha Booliska,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka.

Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa.”

Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo doorashada aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah oo guddoonkiisa lasoo doortay.