Kadib weerarkii guddoomiye Dhabancad, Axmed Madobe oo diray hanjabaad culus

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa nasiib darro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ficilladaas uu u dambeeyey weerarkii xalay lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo ka qeyb-galayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo laga soo doortay Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku goodiyey in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday, kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

“Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan saraakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar weerartay oo dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.

Dhaarinta xildhibaanadaas waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.

Waxaa xalay aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

Guddoomiye Dhabancad oo warbaahinta la hadlay dhaarinta xildhibaanada iyo weerarkaas kadib wuxuu sheegay in goobo badan ay ka hor istaageen saraakiisha sare ee taliska booliska Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina lagu weeraray Hotel gaar loo leeyahay oo ay xildhibaanada ku dhaarinayeen.