Shaqaalihii BF iyo guddiga doorashada oo xoog looga saaray VILLA HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay xarunta Villa Hargeysa oo ah xarun ay ku shiraan xubnaha Golaha Shacabka, kadib markii ay gudaha u galeen ciidan Boolis ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku baahiyey bartiisa Twitter-ka in taliyaha ciidamada Booliska iyo askar ka socota Villa Soomaaliya ay xoog ku galeen Villa Hargeysa, ayna ka saareen shaqaalihii iyo guddiga ku howlanaa doorashada.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu hor istaagayo doorashada gudoonka Golaha Shacabka, isla-markaana lagu cabsi galinayo howl-wadeennada iyo guddiyada diyaarinaya doorashadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedka ayaa ah in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada VS. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan falkaas iyo eedeynta loo jeediyey intaba.

Dhowaan ayey aheyd markii la shaaciyey in sababo amni darteed doorashada guddoonka Golaha Shacabka looga wareejiyey Villa Hargeysa oo ay ka dhaceen falal amni darro.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo shalay shaqaaqo tan la mid ah ay ka dhacay hotel uu ku sugnaa guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad, halkaas oo lagu dhaarinayey xildhibaannadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri oo Arbaco ah, taariikhduna ay tahay 27 April in lagu qabto Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana uga sii daray doorashada xubnaha kasoo kala baxay Ceelwaaq & Garbahaarey.