Janaale (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno Degmada Janaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay sheegaya, Shan Ruux ayaa Geeriyootay Qof haween ahna waxaa soo gaaray Dhaawac kadib markii uu kusoo dumay darbi ay Hoos fadhiyeen.
Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow oo warbaahinta la hadlay wuxuu xaqiijiyay geerida shanta ruux, waxaana uu shaaca ka qaaday in afar kamid ah meydkooda laga soo saaray bur-burka darbiga, halka ruux kale isaga oo dhaawac ah lala cararay, kadibna dhexda uu ku geeriyooday.
Suuqa Khudaarta ee degmada Janaale ayaa la sheegay inuu ku yaalay dhismaha Dumay , waxaana sababta keentay inuu dumo loo aaneyay indhismahaasi Mid qadiini ah.
Qofkii Haweeneyda aheyd ee Dhaawaca uu soo gaaray ayaa dhaawaceeda waxaa loola soo cararay Cusbitaalada ku yaala Muqdisho iyadoona dadkii Geeriyaadoayna laga soo saaray dhismaha Hoostiisa.
Gudoomiyaha Magaalada Marko Maxamed Cusmaan Yariisoow ayaa Burlashada reer Janaale uga Tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay halkaas.
Si kasto waa Dhacdo saameynteeda wadato , waxaana jira Dhismayaal badan oo ku yaala Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Kuwaas oo ah kuwo Qadiimi ah , inkatoo ay jiraan dad ku hoos nool.
Caasimada online
Xafiiska Janaale

