Dhacdo murugo leh oo laga dhaxlay dagaalkii Guriceel

Guriceel (Caasimada Onlie) – Inta la xaqiijiyay 3 Carruur oo isku qoys ah ayaa dhimatay halka dhaawac uu soo gaaray 5 kale oo ay kamid tahay Hooyada Reerka kaddib markii uu ku qarxay Qori nuuca loo yaqaan Saban (RPG) oo loo badaniyo in Degmada Guriceel looga dhex tagay maalmihii dagaallada ka socdeen.

Caruurta ayaa la sheegay in xabadaas ay kasoo qaadeen agagaarka xarunta Jaamacadda ee ku taalla waqooyiga degmada Guriceel, halkaas oo dagaalkii ugu cuslaa uu todobaadyo ka hor ku dhex-maray ciidanka Qaranka iyo xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna.

Carruurta ayay ku qaraxday xabadda xilli ay garaacayeen, waxaana ka dhashay khasaaro murugo badan ku abuuray dadka Reer Guriceel.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galmudug oo goobta tagay ayaa qaaday dadka dhaawaca soo gaaray si looga daweeyo firirka oo waxyeello xooggan u geystay jirkdooda.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso xilli dadka deegaanka Guriceel ay bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda kadib xalkii laga gaaray dagaalkii maalmaha ka socday magaaladaas.

Goobaha ay ka dhacaan dagaallada ayaa laga dhaxlaa halis badan oo ka dhalata hubka & walxaha qaraxyada sameyn kara, carruurta oo aan aqoon fog u lahayn waxa ka dhalan kara ayaa gargaaraca taas oo ugu dambeyn keentay inay naftooda ku waayaan.