Fiqi: Yaa noo fasira cadaaladda AMISOM la marsiiyey ee NISA kari weysay?

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray xukunka dilka iyo xabsiga isugu jira ee lagu riday askarta AMISOM ee dishay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa su’aal ka keenay cadaaladda la marsiiyey AMISOM ee la marsiin waayey saraakiisha NISA ee lagu tuhmaayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu horeyn guul weyn ku tilmaamay in askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM lagu maxkamadeeyo magaalada Muqdisho, isla markaana ay cadaalad helaan ehellada dadkoodii la laayey.

“Golweyn – Shabeelada Hoose eheladii dadkooda ay AMISOM laysay cadaalad ay ku qanacsan yihiin ayay heleen oo askar iyo saraakiil AMISOM ayaa Muqdisho lagu maxkamadeeyo waa guul weyn iyo xuquuq la helay,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale Fiqi waxuu su’aal ka keenay hadii la maxkamadeeyey AMISOM, sababta loo maxkamadeyn waayay ragga lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey.

“Haddaba Haddii AMISOM la maxkamadeeyey, sidee loo maxkamadeyn waayay kuwii Ikraam Tahliil kiiskeeda ku eedeysnaa oo ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya mid ka mid ah? Cadaaladda AMISOM ay yeeshay ee la karsiin waayey NISA oo hey’ad dawladeed sidee umadda loogu fasiri karaa!?” ayuu yiri Fiqi.

Jimcihii shalay waxaa dil toogasho ah lagu xukumay laba ka mid ah saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, sidoo kale seddax askari ayaa lagu xukumay xabsi 40 sano ah, kuwaas oo lagu maxkamdeeyey xarunta Xalane ee Muqdisho, isla markaana lagu helay inay todoba qof oo shacab ah si bareer ah ugu laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.