Daawo: Waalidiinta afar wiil oo bada lagu waayey lix bilood ka hor oo hada shaaciyey…

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xeebta Liido warbaahinta kula hadlay waalidiinta afar wiil oo lix bilood ka hor lagu waayey xeebta Liido  ee magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyey inay heleen akhbaar ah inay caruurtoodii nooshahay oo dal kale lagu heysto.

Waalidiintaan waxay sheegeen in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay subax kasta u jarmaadi jireen xeebta Liido, si ay u baadi goobaan raqda wiilashoodii, bal in baddu soo tufto, balse maanta markii ay soo yeertay akhbaarta noloshooda farxad ayey la ilmeynayeen.

Dhalinyaradaas oo markii la waayey waxay wateen doon kalluumeysi oo ka shiraacatay xeebta Liido, si dhowr meyl ay uga soo jillaabtaan, balse hadda waxay ka soo hadleen dalka Sri Lanka, kadib mudo lix bilood ah oo nolol iyo geeri lagu weysanaa.

Doonta ayaa ka ciladowday taas ayaana keentay in mudo dheer kadib ay u gacan galaan ciidamada badda Sri Lanka, waxayna waalidiintu ka codsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in lagu garab siiyo sidii wiilashooda ay ugu soo celin lahaayeen dalka, maadaama loo sheegay in lagu waayey wax dembi ah.

“Waxaa naloo sheegay in safiirka Soomaaliya ee Sri Lanka uu dowlada weydiiyey sababta loo heysto wiilasha, balse dowladu ay u sheegtay in markii ay baareen lagu waayey wax dembi ah, hadda ma awoodno inaan ku soo celino dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed hanagala qeyb qaadateen sidii wiilashaas dalka loogu soo celin lahaa,” ayuu yiri Cali Aadan oo ka mid ah waalidiinta, sidoo kale ah milkiilaha doontii ay wateen afarta wiil intii aan la weyn.

Waalidiintu waxay sheegeen in dhalinyaradaas ay ka ciladowday doontii ay wateen, isla markaana ay qabteen ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, kadib mudo afar bilood ah oo doon haleysan ay la sabeyneysay badweynta.

“Dhalinyarada hadda wax dhibaato ah oo soo gaaray nooma sheegin, afar bilood markii ay badda sabeynayeen, waxaa helay ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, bil kale oo badda lagu dhex haayey kadib, waxaa lagu xiray gudaha dalkaas, wax dembi ahna waa lagu waayey, hada waxaan codsaneynaa in gacan nalagu siiyo inaan dalka ku soo celinyo wiilasheena,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta.

Hoos ka daawo