Howlgallo culus oo caawa ka socda Muqdisho iyo qaraxyo lasoo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka, sidoo kale saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tegay goobo dhowr ah, halka howlgal ka dhacay degmada Deyniile ay ciidamada NISA ku soo qabteen waxyaabaha qarxa.

Ugu horeyn howlgal ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ay caawa ka fuliyeen xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ayaa lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas, waxaana lasoo bandhigay sawirrada miinooyinkaas.

Sidoo kale degmooyin ay ka mid yihiin Hodan, Howlwadaag iyo Waaberi ayey caawa ka socdaan howlgalladaas oo lagu baacsanayo burcadda habeenkii dhaca ka geysata degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen saraakiil qeyb ka ah howlgallada.

Dhanka kala guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa caawa kormeer ku tegay wadada isku xirta Saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis ilaa Isgooska Mirinaayada, halkaas oo maamulka gobolka Banaadir uu dhawaan ka hirgaliyey leyrarka Cad-Ceeda ku shaqeeya, kuwaas oo Guddoomiye Cumar uu sheegay inay kor u qaadeen bilicda wadadaasi, isla markaana uu leyrku muhiim u yahay sugidda ammaanka.

Weli laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama soo saarin howlgallada caawa ka socda magaalada Muqdisho iyo cidda lagu soo qabtay, marka laga reebo sirdoonka gobolka Banaadir oo soo bandhigay sawirrada miinooyinkaas lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Deyniile.

Mudooyinkii dambe waxaa sii xumaanayey ammaanka caasimadda Muqdisho, xilli doorashooyinkii golaha shacabka ay ka bilaaban rabaan, waxaana ugu daran tuugada dhaca u geysaneysa dadka shacabka ah, kuwaas oo mararka qaar dila dadka ay dhaca u geysanayaan.