Madaxweyne FARMAAJO oo war cusub ka soo saaray doorashada dalka ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray geedi socodka doorashooyinka dalka, isagoo aad u soo dhaweeyey doorashadii golaha Aqalka Sare ee maanta la soo gabagabeeyey, sidoo kale Farmaajo ayaa qoraalkaan ku amaanay doorka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ee qabsoomidda doorashooyinka dalka.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Hoos ka akhriso isagoo dhameystiran

Muqdisho, Nofeembar 13, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD