Dhacdooyinka ugu weynaa ee ka dhacay Somalia 2020

Soomaaliya waxay la kulantay sanadkii tegay ee 2020 caqabado badan oo ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo musiibadii Coronavirus, waxaan soo qaadan doonaa kuwoodii ugu saameynta badnaa.

Siyaasadda.

February 2, 2020: Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa loo doortay Madaxweynaha Galmudug, halka madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu noqday Cali Daahir Ciid.

July 25, 2020: Baarlaamnaka Soomaaliya ayaa mooshin qafla ah xilka uga qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo muddo saddex sano iyo bar ah xilkaas hayay.

September 17, 2020: Madaxda Soomaalida ayaa ku heshiiyay doorasho dabdan oo dalka ka dhacda 2020/2021.

September 18, 2020: Madaxweyne Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble oo ahaa nin siyaasadda ku cusub u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

September 26, 2020: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay heshiiska doorashooyinka ee 17 Sebtember gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

October 19, 2020: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay golaha wasiirada cusub, wuxuu soo magacaabay ilaa 26 wasiir oo ay ku jiraan xubno horey uga tirsanaa xukuumaddii hore.

November 11, 2020: Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali Cabdullaahi Guudlaawe, halka ku xigeena noqday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

December 3, 2020: Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan.

December 15, 2020: Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa gabi ahaanba u jartay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay al laheyd dalka Kenya.

December 30, 2020: Waxaa markii ugu horreysay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Garowe lagu qabyay madasha aragti wadaaga Heritage oo ka soo qeybgaleen dad ku dhow 500 oo qof oo isugu jira madaxda Soomaaliya, mucaaradka iyo marti sharaf kale.

Amniga

March 25, 2020: Dabley hubeysan ayaa 8 qof oo howlwadeeno caafimaad ah afduub iyo dil ugu geystay tuulada Gololey oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

March 29, 2020: Waxaa magaalada Gaorwe qarax ismiidaamin ah lagula eegtay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), wuxuuna u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray, mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

May 17, 2020: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo saddex kamid ah ilaaladiisii, waxaana mas’uuliyada qaraxa sheegatay Al-shabaab.

August 16, 2020: Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay weerar Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Elite ee Muqdisho, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen booliska Soomaaliya.

September 11, 2020: Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin iyo qof kale ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhow masaajid qadiimi ah oo ku yaala magaalada Kismaayo, sidoo kale qaraxaas waxaa ku dhaawacmay ilaa 6 qof.

September 17, 2020: Dabley hubaysan ayaa 6 wadaad ku dilay tuulo lagu magacaabo Koogaar oo ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

November 17, 2020: Qof bam isku soo xiray ayaa isku qarxiyay makhaayadda Gelato Divino oo ah goob jalaatada lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, 7 qof oo dhilinyaro u badan ayaa ku geeriyooday, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof.

December 9, 2020: Dabley hubeysan ayaa weerar dhabo-gal ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo u dhaxeeya Balanbal iyo Guriceel ku dushay ilaa 7 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowladd Federaalka Soomaaliya.

December 18, 2020: Qarax ismiidaamin ahaa oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin u badan saraakiil ciidan ayaa ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubbadda cagta Cabdullaahi Ciise ee koonfureed magaalada Gaakacyo, halkaas oo hadal ka jeedin lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Qaraxaas waxaa ku geeriyooday Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan, Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali iyo Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Dhaqaalaha

Guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii tegay ee 2020 si la mid ah dunida waxaa ku yimid hoos u dhac ka dhashay xayiraado lagu xakameynayo faafida cudurka Coronavirus iyo canshuurihii badeecooyinka qaar oo la khafiifiyay. Sidoo kale waxaa mar istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ku xirnaa dalka dibaddiisa.

4 Ra’iisul Wasaare hore oo geeriyooday

July 12, 2020: Waxaa geeriyooday Xasan Abshir Faarax, oo ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya intii u dhaxeysay November 12, 2001 ilaa November 8, 2003.

April 1, 2020: Waxaa geeriyooday Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ooo ahaa Ra’iisul wasaarihii dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo February 2009.

October 8, 2020: Waxaa geeriyooday Cali Khaliif Galeydh oo Ra’iisul Wasaare ka noqday dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, intii u dhaxeysay October 8, 2000 ilaa October 28, 2001.

November 18, 2020: Waxaa geeriyooday Cumar Carte Qaalib oo Ra’iisul Wasaare Soomaaliya ahaa intii u dhaxeysay January 24, 1991 ilaa May 1993.

Coronavirus

March 16, 2020: Qofkii ugu horreeyay oo qaba caabuqa Coronavirus ayaa laga helay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa muwaadin ka yimid dalka dibadiisa.

April 8, 2020: Qofkii ugu horreeyey ayaa gudaha dalka Soomaaliya ugu geeriyooday caabuqa Coronavirus, wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo 58 jir ah, kaas oo ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa sanadkii tegay 2020 laga diiwaangeliyay 4,714 kiis oo Covid-19, waxaana cudurkaas u dhintay 130 qof inta la ogyahay.

December 31, 2020: Ugu danbeyna dhacdadii ugu danbaysay ee sanadkii tegay waxay ahayd xulka kubbadda cagta gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee 2020, markii ay ciyaartii kamadambaysta gool kulaadyo uga adkaadeen xulka Galmudug.