Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmo kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare.
Xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Sare ee maanta uu u furmi doona kalfadhiga ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa kuwo ku maqnaa Fasax.
Kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada ayaa waxaa si rasmi ah u furi doona Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Madaxweynaha ayaa halkaa ka jeedin doona Khudbad dheer oo uu kaga hadli doono xaaladda ka jirta dalka iyo howlaha Qaran ee horyaal Xildhibaanada Aqalka Sare.
Madaxweynaha aya Khudbadiisa xooga ku saari doona shaqooyinka uu Aqalka Sare u hayo dalka iyo howlaha qabyada u ah ee la doonaayo inay qabtaan muddooyinka harsan.
Xaafadaha ku dhow dhow goobta loo diyaariyay in lagu qabto munaasabada kalfadhiga ayaa waxaa la adkeeyay amaankooda.
Ciidamo aad u farabadan ayaa sidoo kale lagu daadiyay wadooyinka gala xarunta Aqalka Sare iyo Madaxtooyadda.
Geesta kale, Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa bilaabay inay gaaran xarunta si ay halkaa uga sii hormaraan Madaxweynaha oo saacadaha soo socda gaari doona.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

