28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Warbixin: Halkee ayuu ku danbeeyay saldhiga militari ee uu Imaaraadka ee Berbera

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Saldhiga uu maamulka Somaliland dhawaan Imaaraadka ka siiyay magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in iminka dhulka loogu tallo galay Saldhiga ay fariisimo ka dhigteen ciidamo ka tirsan maamulka oo xaqiijinaaya amniga goobta Saldhiga.

Dhulka loogu tallo galay Saldhiga ayaa waxaa ku sugan Injineero kasoo jeeda dalka Imaaraadka kuwaa oo si hordhac ah u bilaabay cabiraada dhulka iyo in dhismo dhagax ah lagu wareejiyo Saldhiga.

Sidoo kale, waxaa halkaa ku sugan ciidamo dhowr ah oo ka socda dalka Imaaraadka kuwaa oo loogu tallo inay ilaaliyaan amaanka mas’uuliyiinta Imaaraadka uga howlgala Dekada iyo Saldhiga cusub ee Berbera.

Saraakiisha Imaaraadka ee hogaamineysa howlaha Saldhigaya ayaa maamulka Somaliland u sheegay in Saldhiga uu si rasmi ah u howlgali doono inta lagu guda jiro Sanadkan.

Saldhiga iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa iminka si KMG ah looga mamnuucay muwaadiniinta maamulka Somaliland ee iyagu xili hore isaga kala gooshi jiray dhulka baaxada leh ee laga dhisaayo Saldhiga.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa horay u meelmariyay sharciyada Imaaraadka loogu wareejinaayo Saldhiga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News