24.9 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

DHAGEYSO: 100 xildhibaan oo kullan xasaasi ah ku qabtay Muqdisho, kuna dejiyey qorshahooda mooshinka berri

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano gaar ahaa ayaa galabta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kulankaasi oo ay ka qeyb galeen xildhibaanada kaliya ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya.

Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ahaa xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in kulankooda ay kusii gurfeynayeen qorshahooda maalinta berito ah.

Kulanka ayuu sheegay inay ka qeyb galeen xildhibaano ka badan 100 mudane, kuwaasi oo dhamaantood taageero u hayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay sidoo kale ka arinsanayeen sidii ay ka yeeli doonaan dooda la doonayo in xildhibaanada baarlamaanka ay ka sameeyaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya, sida uu sheegay.

Halkan ka dhageyso xildhibaanada oo ka hadlaya qorshahaas

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News