DHAGEYSO: Ahlu Sunna iyo Ciidamada DF oo dagaal xoogan uu dhex maray

Sida wararka aan ka heleyno degmada Balad Xaawo , ay sheegayan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale Kuwa Ahlu Sunna ayaa ku wada dagaalamay halkaas, kadib markii Khilaaf uu Soo kala Dhexgalay.

Dagaalka maanta ayaa wuxuu daba socdaa qarax Maalin ka hor ka dhacay degmada oo ay waxyeelo xoogan ka soo gaaray Saraakiil ka tirsan kuwa ururka ahlu sunna, inkatoo ilaa iminka aysan jirin Cid si gaar ah qaraxaasi u sheegatay.

Dagaalka maanta ayay dadka deegaanku waxay Sheegayaan in Dhaawac xoogan uu kasoo gaaray Gudooomiye Kuxigeenka Degmada B/Xaawo, Kaas oo lagu magacaabo Buule Qaloocoow, waxaana sidoo kale Dhaawac uu soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa .

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in wali ciidamadu ay is hor Fadhiyaan isla-markaana y ridayaan Risaas Teel teel ah, waxaan jirta cabsi ku aadan in xilli waliba dagaal labada dhinac ah la filan karo.

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii Tuhun uu soo kal dhexgalay labada dhinac, Kaas oo salka ku haya qaraxii Dhowaan Degmada ka dhacay.

Ilaa iminka labada dhinac kama aysan hadlin arintan.

Halkaan hoose ka dhageyso Dagaalkaas Beled Xaawo

dagaal badal xaawo

Wixii warar aruntaasi kasoo kordha ka daalaco  www.Caasimada.com 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com