Guddoomiye Tarsan oo warar culus oo khatar ah sheegay (Muxuu yiri?)

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay ku leh yihiin falalka nabad galyo darada eek a jirta caasimada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiintan ay xilal ka soo qabteen dowladihii kumeel gaarka isla markaana ay hadda xil ka hayaan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Eedeemahan aan caadiga ahayn ee uu sheegay Tarsan ayaa muujinaya in falalka ammaan darada ee ka jirra dalka ay ku lug lee yihiin xubno ka tirsan dowladda.

Tarsan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo badan oo dadka dhibaateeya kuwaas oo dhac iyo tacadiyo kale u geesta, wuxuuna sheegay haddii aan wax laga qaban in magaalada Muqdisho aysan ka bixi doonin diihaalka iyo dhibaatada soo martay.

Ugu dambeen, wuxuu guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu tilmaamay in maamulkiisa uu wax badan ka qabtay horrumarka dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho, wuxuuna sheegay in qof kasta oo doonaya dib u dhaca caasimada tallaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com