Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Axmed Jaamac Jangali oo kamid ah dadkii dhaawacmay qaraxii maanta dhacay ayaa sheegay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxii Maanta.
Wuxuu sheegay in iminka lagu baxnaaninayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho isaga iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta oo isna ku sugnaa masjidka weerarka uu ka dhacay.
Xaaladiisa ayuu sheegay Jangali inay tahay mid wanaagsan oo aysan jirin waxyeelo daran oo soo gaartay, laakiin wuxuu xaqiijiyay inuu kusoo dumay gidaarka masjidka ay ku dukanayeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]