27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

DF Soomaliya oo ka hadashay xaalada R/W ku xigeenka dalka & waxii dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho , kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob masjid ah oo ku dhex yaala hotelka Central ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah Cali Jaamac Jangali oo markii hore loo malaynayay inuu geeriyooday.

Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo lahadlay raadiyaha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in xaalada ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ay tahay mid wanaagsan amaankana ay la wareegeen ciidamada amaanka.

Wuxuu sheegay in qaraxa uu ahaa mid looga soo horjeedo dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed ay gaareen, wuxuuna xaqiijiyay geerida gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee gobolka Banaadir.

Ra;iisul wasaare ku xigeenka xukuumada ayaa dhaawac waxay kasoo gaareen dhanka lugaha sida uu xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Maareeye, wasiirka warfaafinta ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan xaaladana ay la wareegeen ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta, wuxuu shegay in wali baaritaan  ay wadaan ayna dib ka sheegi doonaan qasaaraha qaraxa uu ku sheegay inuu ahaa mid xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News