32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya goobta uu ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray Hotelka Central ee magaalada Muqidsho, waxaana tirada dhimashada lagu sheegayaa ku dhawaad 10 ruux.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in dadka waxyeelada soo gaartay ay kamid yihiin Xildhibaano baarlamaanka ka tirsan, wasiiro hore iyo xubno iminka xilal ka haya dowlada Soomaaliya.

Sida wararka ay sheegayaan waxaa dhaawacmay Xildhibaan Furdug, Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar, Siyasi Salaad Cali Jeele, Wasiir Cali Jaamac Jangali iyo Maxamed cumar Carta, mana la xaqiijin karo sida ay wax usoo gaareen.

Qaar kamid ah madaxdii goobta tagay ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen dadka kala ah:

Nuur Faarax Xersi, wasiirkii gaadiidka iyo Dekedaha

Ku xigeenka gobolka Banaadir Caanogeel

Gudoomiyaha xisbiga Daljir Shakuur Mire aadan

Iyo Xildhibaan Furdug.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad markii uu dhacay gudaha hotelka uu galay ruux waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen, waxaana masjid hotelka ku yaala ku dukanayay asuuliyiin dowlada ka tirsan.

Waxaa wali socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada amaanka oo ku sugan goobta weerarka uu ka dhacay.

Weerarka waxaa sheegtay Alshabaa oo ka dagaalama dalka Soomaaliya iyagoo sheegay inay la eegteen goob ay ku sugnaayeen masuuliyiin dowlada ka tirsan.

La soco waxii kusoo kordhaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News