Dhageyso: Dagaal culus oo Muqdisho ku dhex maray iyo ciidamada hub ka dhigista iyo ciidamo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hub ka dhigista Muqdisho, ayaa maanta waxa ay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ka sameeyeen howlgallo dhaliyey iska horimaad dad badan ay ku dhinteen, sida ay sheegeen dad oobjoogeyala ah.

Ciidamada ayaa waxa ay tageen goob ay ku sugnaayeen rag hubeysan oo watay dharka shacabka, balse la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda, kuna sugnaa xaafada Kaawa-Godeey ee degmada Wadajir, halkaasi oo dagaal qaraar uu ku dhex maray labada dhinac.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada hub ka dhigista ay ciidamada kale weydiiyeen inay hubka dhigaan, balse ay ka dhego adeegeen, kadibna la isku billaabay rasaas xooggan. Waxaa sidoo kale la isku adeegsaday qoryaha waa weyn eek a dhaca gaadiidka dagaalka.

Dhowr askari oo ka mid ah ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay dagaalka ku dhinteen, iyo sidoo kale dad shacab ah. Tirada guud ee dhiamshada ayaa lagu sheegay illaa lix qof.

Sidoo kale lab aka mid ah ciidamada kale ee dharka shacabka watay ayaa lagu soo qabtay dagaalka, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Xaalada xaafada Kaawa-Godeey ayaa haatan ah mid caadi ah, in kastoo daqiiqado kooban uu hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Hoos ka dhageyso codka goobjooge ka hadlaya dgaaalka

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com