Sawiro: Taliye ku xigeenkii nabad sugidda gobolka Banaadir oo lagu dilay dagaal Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iska hor imaad aad u culus ayaa agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhex maray ciidamada ka tirsan kuwa Militariga iyo nabadsgudda.

Iska hor imaadka ka dhacay agagaarka Tiyaatarka ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ay maanta duhurkii joojiyeen gaari ay la socdeen ciidamada nabadsugida oo marayay Isgoyska Ceel Gaabta, xilligaasoo wadada ay xirneyd.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka dhex maray Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Nabadsugida uu ku dhintay Sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Ciise Jiijiile oo ahaa Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Xiisadda  ayaa saacado ka taagneyd wadada hor marta Madaxtooyada, halkaasoo ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada.

Taliya la dilay ayaa la sheegay inay meydkiisa meesha ka qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa meesha ku dhimatay ilaa shan askari oo ka tirsanaa kuwii dagaalka dhex maray, waxaana ku dhaawacmay ilaa 3 kale oo isla ciidmada ah.

Xaaladda meesha uu dagaalka ka dhacay ayaa hadda dagan, welina ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiishada Ciidamada Dowladda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com