Maxay tahay sababta keentay in baarlamanka looga yeero wasiirka Dastuurka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa ay u yeereen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federalka Somaliya Abukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay soo gudbiyeen Mooshin arintaasi la xiriirta.

Sida ay sheegayaan wararka Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu yeeray wasiir Xoosh inuu Baarlamaanka hor yimaado maalinta Axada ee soo socota.

10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa Guddoonka Golaha Shacabka gacanta u galiyay warqad ay ku qoran tahay Mooshin loogu yeeraayo Wasiirka Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Mid ka mid ah Xildhibaanadii qoray mooshinka lagu dalbanayo Wasiir Xoosh ayaa sheegay inay ka doonayaan Wasiirka inuu Baarlamaanka hor-yimaado, si ay wax uga weydiiyaan hadalo dhowaan ka soo yeeray

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaanada ka hor sheegay inuu jiro Mooshin ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano gaaraya 10 Xildhibaan, kuwaasi oo dalbanaya in deg deg Baarlamaanka uu ku hor yimaado Wasiir Xoosh.

Wasiir Xoosh ayaa loo heystaa qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu ku naqdiyay go’aankii Baarlamaanka uu ku diiday amarkii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo muran la geliyay sharci ahaanshahooda.

Jawaari ayaa amray Xoghaynta Baarlamaanka in lagu wargeliyo Wasiirka Dastuurka Somaliya in maalinta Axada ee todobaadka soo socda uu hor yimaado Xildhibaanada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com