Muuqaal: Sacuudiga oo dhibaato xoog leh ku bilowday Soomaalida dalkaas ku nool

Muqdisho (Caasimadda Onlinr) – Dowladda Sacuudiga ayaa culeys weyn saartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa bilowday inay guud ahaan ajaanibta ku nool dalkaas kusoo rogto lacag laga qaadayo bil kasta, taasoo lagu sheegay inay tahay mid looga qaadayo daganaanshaha halkaas.

Haddaba arrintaan ayaa saameyn weyn ku yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas qoysaska ku heysto kana shaqeysto.

Dowladda ayaa amartay in qof kasta oo ajnabi ah oo ku nool Sacuudiga laga qaado lacag Dollar ahaan u dhaxeyso 25 ilaa 30 Dollar, oo laga rabo qofka weyn iyo midka yar.

Lacagtaas ayaa laga doonayaa inay dadka u bixiyaan qaab sanad ahaan, tusaale ahaan haddii aad Soomaali tahay isla markaasna aad tagan tahay dalka Sacuudiga oo aadna heysato 10 Caruur, qoyskaagana uu guud ahaan ka kooban yahay 12, waxaa qof kasta laga rabaa 30 Dollar, taasoo sanadkii noqoneyso lacag gaareyso ilaa 4,320 (Afar Kun Seddex Boqol iyo Labaatan Dollar).

Haddaba dadka Soomaalida ayaa bilaabay inay dacwadood dowladda usoo mariyaan baraha Bulshada, gaar ahaan Facebook, si wax looga qabto culeyska soo wajahay.

Halkaan hoose ka daawo aabe Soomaaliyeed oo ka hadlayo dhibaatada ku heysato dalka Sacuudiga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com