Dhageyso: Geedi oo xog dad badan ka yaabisay ka bixiyey doorashada CEELWAAQ

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay doorashada kuraasta gobolka Gedo ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq ayaa qiyaano qaran ku tilmaamay wareejinta deegaan doorashadaas.

Siyaasigaan oo si indha la’aan u taageera nidaamka Farmaajo ayaa wareejinta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Wuxuu sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe ay mudo dheer lugooyo ku hayeen doorashooyinka dalka, balse uu hadda la saftay Ra’iisul Wasaare Rooble oo laga doonayey inuu si cadaalad ah dadka wax ugu qeybiyo.

“Waxaan u tacsiyeynayaa gobolka Gedo, shacab iyo maamulba dhibaatada gaartay ee kala duwan, mid amni, mid doorasho iyo tan abaaraha, in hadda doorashadii laga wareejiyo Garbahaarey raga ku fikiray waxaan u arkeynaa cadow dadkaas baabi’inaya,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Geedi ayaa ku dooday in aysan jirin cid wax ka bedali karta heshiiskii 17-kii September, “La yaabi meyno sida ay u shaqeynayaan Deni iyo Axmed Madoobe, dhowr sano ayey Soomaali wado kasta ka soo xirayeen, doorasho qof iyo cod ah ayey diideen, guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey ayey diideen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii jid gooyo kasta oo ay dhigteen la aqbalay ay hadda Deni iyo Axmed Madoobe burburiyeen heshiiskii ay saxiixeen ee 17-kii Septembar, isagoo ku goodiyey in Soomaali aysan u sii lug xiraa doonin labadaas Madaxweyne goboleed.

“Waxaa kasii daran ayaga, ra’iisul wasaarihii laga sugayey inuu umadda Soomaaliyeed cadaalad u sameeyo oo xuquuqda cid walba ilaaliyo doorashadana daadihiyo ayaa la saftay ragii umadda dhibay,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo la hadlay Shabeelle TV.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadii ugu yaabka badneed oo ay qaadeen ay aheyd doorashada kuraastii Garbahaarey in loo wareejiyey Ceelwaaq oo sida uu sheegay aan laheyn maamul dowladeed.

“Guddiga waxaan arkeynay inay ka gaarsiiyeen markii baarlamaanka la dhaarinayey ayey soo saareen, maadaama ay sharciyadu ka dhamaneysay, waxaana sidaas kula heshiiyey Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland, laakiin waxaan u sheegayaa Ra’iisul wasaare Rooble Ceelwaaq oo maamul dowladeed uusan xukumin doorashada lagu qabanayo waa dibin-daabyo hor leh,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga