Sawirro: Axmed Madoobe oo ballan qaad u sameeyey guddiga doorashada FEIT

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq oo ay taallo 16 Kursi iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin intii ay socdaan doorashooyinka.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa maalinta Talaadada ah ee todobaadkaan waaa ay tegi doonaan degmada Ceelwaaq, halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 Kursi.

Guddiga doorashada ayaa dhawaan go’aan ku gaaray in Garbahaarey laga wareejiyo doorashada maadaama Amni ahaan ay gacanta ku hayaan maamul kasoo horjeedo Jubbaland oo diiday in guddiga doorashada halkaas tagaan.

Bishaan gudaheeda ayaa la filayaa in xildhibaanada lagu soo doorto Ceelwaaq lagu dhaariyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, inkastoo kooxda madaxweyne Farmaajo ay iyagana wadaan doorasho kale oo lagu qabanayo Garbahaarey taasoo aysan goobjoog ka aheyn guddiga doorashada.