Muqdisho (Caasimada Online)- General Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka ayaa ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Galgaduud, ee u dhaxeysa ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Mr Galaal ayaa si qote dheer kaga hadlay waxyaabaha uu salka u hayo dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanada gobolka Galgaduud, isagoo u sababeeyay maamul u sameynta la doonayo in loo sameeyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Maxamed Galaal, wuxuu sheegay in qof walbaa ay dhigtay gogoshii maamulkaasi lagu sameyn lahaa, taasina ay dhalisay in lagu kala aragti duwanaado islamarkaana madaxda Ahlu sunna, dowlada iyo Ximan iyo xeeb isku fahmi waayaan.
Wuxuu dagaalkaasi ku tilmaamay inay tahay astaan lagu yaqaan Soomaalida oo uu kala jeedo in marka meel wanaagsan la gaari rabo in dagaalo laga dhex abuuro.
Galaal, ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay sababi karto amni daro kale oo ka dhacda gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayna ka faa’ideystaan dadka amni darada geysanaya, sida uu sheegay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com