Dhageyso: Ibraahim Aways Maxamed oo la dilay isaga oo aroos isu diyaarinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Barqanimadii Maanta ayaa askari ka tirsan Ciidamada kuwa Cansuurta qaada ee Minashiibiyada waxa uu agagaarka Isgoyska dabka ee degmada Waaberi uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, kaas oo lagu Magacaabi jiray  Ibraahim Aways Maxamed.

Dilka Marxuumka ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo rabashado watay oo saacado badan ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, kuwaas oo sababay in ay mudo hakad galaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Aabe Aways Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim Aways Maxamed ayaa sheegay in wiilkiisa uu u Shaqeyn jiray Qoys 7 ruux  ka badan  hooyadiis waa hore ay ka geeriyootay, isla markaana Galabta ay kusoo aaseen Khabuuraha Barakaat ee Magalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in cadaalada la horkeeno askarigii ka dambeeyey dilka wiilkiisa, waxaana uu ugu baaqay guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dalka inay ka dhabeeyeen balanqaadii ahaa inay sharciga marsiiyaan ninkii dilay Wiilkiisa.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa Magalada Muqdisho kusoo batay dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku Shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaana weli jirin cid dilalkaas Maxkamada loo soo taagay.

Hoos ka dhageyso Aweys

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com