Prof. Cabdi Cali oo si aag uga hadlay ganacsadaha ay xukuumadu rabto inay u gacan-geliso Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) ― Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaraada qorsheynta iyo horumarinta Somaliland Prof Cabdi Cali Jaamac, ayaa waxa uu si adag uga hadlay arrinta buuqa badan ka dhalisay Somaliland ee ganacsade Axmed Geelle.

Dhawaan unbey aheyd markii Wasaarada Cadaalada Somaliland ay soo saartay warqad amar ah, oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, taasi oo lagu amrayo qabashada Axmed Cismaan Geelle oo ah ganacsade weyn oo reer Somaliland.

Ganacsade Axmed Geelle ayaa Xukuumada Biixi sheegtay in uu fal-dambiyeed ka galay wadanka Jabuuti, oo loo gacan galin doono wadankaas.

Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay arrintan gnacsadaha, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:-

“Arrinka Ganacsade Geelle iyo M/weyne Geelle.Muxu ku keenay Ina Cumar Geelle booqashada iyo ictiraafka Muqdisho ayaa leh, Hargeysana aqoonsiga waan kala dagaalamayaa, lugna soo dhigi maayo, maxaa yeelay taasi waxbay u taraysaa!!! haddana, dhinaca kale, wax kasta ha ii fuliso Somaliland, xataa hadday tahay in loo dhiibo ganacsatadeena!!!

Qodobka labaad, haddi ay sax tahay sidaan maqlay, waxa la isku hayaa waa adduun ama ganacsi lacageed; ma fahmi karo anigu nin madaxweyne ah oo baayacmushtar ah.

Qodobka saddexaad, qofku mar haddii aanu wax soo dilin ama danbi bani’ aadam oo foolxun soo gelin, ma jirto dawlad adduunka ah oo kaa yeelaysa qofkaasi lacag baan ku leeyahay ee ii soo qabta, gaar ahaan lacag siyaasiyiin ku lug leeyihiin; hadduu muwaadin yahayna hadalkiisa daa; Dastuurkeena way ku caddahay taasi; madaxda Djibouti iyo Somaliland ba ha loo sheego in aanay lacagtu muhiim ahayn; bani’aadamka ayaa ka qaalisan; ma karaamaysna lacagtu; ha dhacdo lacagtu iyo dadka jeceliba!!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.”

Si kastaba, xukuumada Muuse Biixi ayaa ku andacooneyso in ganacsade Axmed Geelle uu fal-dambiyeed ka galay dalka Jabuuti, ayna u dhiibi doonto dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com