Dhageyso: Indha-Cadde oo shaaciyey ‘shirqool lagu’ qaarijin rabo laba musharax madaxweyne oo la diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa digniin kasoo saaray weeraro hor leh oo uu sheegay in la rabo in lagu qaarijiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo dad badanoo kale.

“Waxaan ogahay in Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dad ay ka mid yihiin inay bartilmaameed yihiin oo la rabo in la qarxiyo iyo dad badan, wax badan ayaa socda oo hay’addaha amniga mid ka mid ah ay wado, hay’addihii amniga iyo Shabaabkana waa isku milmeen, waana wada shaqeeyaan,” ayuu yiri Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in qaraxii Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi inuu ahaa mid laga shaqeeyay oo ay ka danbeeyeen dowladda federaalka iyo laamaha amniga, sida uu hadalka u dhigay

Indha Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada weerarkaasi uu ahaa in la aamusiyo caddaalada kiiska Ikraan Tahliin isagoo intaas ku daray in Cabdicasis Africa iyo darawalka baabuurka la socday iyo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo xildhibaanad Aamina ay yihiin falal wada xariira, isagoo toos u eedeeyay hay’addaha amniga.

Mar uu ka hadlayay weerarkii garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Arbacadii wuxuu sheegay in kuwa soo weeraray ay ahaayeen rag ku xeran hay’addaha amniga, islamarkaana lasoo siiyay habeenkii ka horeeyay maalintii weerarka dhacayay aqoonsiga mid ka mid ah hay’addaha amniga, isla markaana ay u fududeeyeen inay galaan garoonka si ay u fuliyaan howlgalka.

Ujeedada ayu uku sheegay in lagu carqaladeeyo arrimaha doorashada iyo in dalka lagu qaban karin iyo sidoo kale iyadoo laga jawaabaayo dhoolatuskii socodka ahaa ee ra’iisul wasaaraha iyo safiirka Mareykanka ku sameeyeen aaga garoonka ee weerarka ka dhacay.

Indha Cadde wuxuu kaloo sheegay in xildhibaan Aamina ay in badan ka hadleysay kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena ay sheegtay shaqsiyaad ay ku eedeysay dilkii Ikraan, kuwaasi oo uu ku sheegay inay yihiin Al-Shabaab, xiligaana ay shaqeynayaan in dad badan la gumaado.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale caddeeyay in todobaadka soo socda kooxahaasi ay fulin doonaan weeraro iyo qaraxyo dad badan oo siyaasadeysan.

Hadalka Yuusuf Indha Cadde ayaa u muuqda inuu walaac iyo cabsi badan abuuraayo iyo in laga aamin baxo hay’addaha amniga oo uu ula jeeday hay’adda NISA.Hadalkaan ayaa sii xoojinaayo tuhumo badan oo Villa Somalia iyo NISA laga qabay