AGAASIME ku-xigeenka VILLA SOMALIA oo beeniyey qoraal looga been abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka hadlay qoraal been abuur ah oo laga sameeyey kaasi oo lagu faafiyey Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaar.

Qoraalkaas ayaa ahaa screenshot u muuqday in loo ekeysiiyey mid uu Cabdinuur soo dhigay boggiisa facebook-giisa, oo ku leeyahay “caawa aad ayaan u faraxsanahay, waa habeenkii aan dhashay,” habeenkaas oo aheyd xilligii ay qaraxyada ka dhaceen Beledweyne.

Cabdinuur Axmed ayaa sheegay in qoraalkaas uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana aan lagu qorin boggiisa Facebook ee saxda ah, balse la been abuuray, si loogu sumcad dilo.

“Qoraalkaas waa mid been abuur ah oo looga dan leeyahay in la igu sumcad xumeeyo, waxaana lagu soo aadiyey waqtigii la dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Aamina Maxamed,” ayaa yiri Cabdinuur oo la hadlay Caasimadda Online.

Cabdinuur ayaa markale ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay weeraradii ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.