25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Jubba & DF oo isku soo dhowaanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Sheikh Cabdi Maxamed Gudoomiyaha baarlamaanka Jubba oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ayaa ka hadlay eedeymo loo jeediyay maamulka Jubba oo ku aadan qaraxii dhawaan ka dhacay Kismaayo.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa beeniyay arimaha ku aadan eedeynta qaraxa, wuxuuna sheegay in dadka hadalkaasi jeediyay ay yihiin kuwo aan la socon xaalada ciidamada ee Jubbaland.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka Jubba ayaa ka hadlay khilaafkii u dhaxeeyay baarlamaanka Jubba iyo dowlada Soomaaliya, kana dambeeyay kadib markii mooshin sharci daro ka dhigaya ansixiyeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sheikh Cabdi Maxamed, wuxuu sheegay in iminka ay jirto isku soo dhawaansho u dhaxeeyo dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubba, dhawaana la xalin doono khilaafka u dhaxeeyay labada dhinac.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News