Dhageyso: JUBBALAND oo ka hadashay waxa ay isku hayaan DF Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Kismaayo, ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aragtida madaxda Jubbaland uu yahay qaran Soomaaliyeed oo guuleysta iyo in la xoojiyo hay’adaha dowladda oo ay ugu horreeyaan Dowlad Goboleedyada balse nasiibdarro ay jirto isfaham la’aan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadii khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan micnaheedu aheyn inay la-dagaalamayaan madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu soo hadal qaaday soo celintii Garoonka Kismaayo Saraakiishii ay Jubbaland ka soo celisay, waxa uuna sheegay in ka hor magacaabistaas ay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkiisa Jaraa’id Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo aad u dheeraa ayaa waxa u sidoo kale kaga hadlay banaanbaxyadii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbaland.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalinta Isniinta ah ee soo socota lagu wado in Magalada Kismaayo ay shir ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Hoos ka dhageyso codka Maxamuud Sayid Aadan

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com